DHAMBAL JEC L OO AAD U MAC

 Si qarsoodi ah ayaad u xaday qeybkasta oo qalbigeyga ka mid ah adigoo aan igala tashan, haseyeeshee nasiibdaro waxaa iiga sii xanuun badan adigoon soo dhameystiran isku keenida qeybtii ka dhineyd qalbiga inaad ilowday.



Kelmada waan ku jeclahay markaad ii timid ee aad igu tiri,ma aqaano wixii igu dhacay, jaceylkaaga la’aantiis waan lunsanaa, waxaan dareemay erey walbo oo aad i dhahday in uu runyahay, Jaceylkaaga waa waxa ugu macaan ee nolosheyda soo maray intii aan noolaa.


Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya







Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay.


Waxaan kuu caashaqay xad ka balaaran inta aadan ogaan karin xaqiiqduna aan qiyaastaas u gaaray waxey tahay burhaantaada ayaa maalinkasta siisa iftiin gaara ah oo qalbigeyga ka dhex shidan.

Waxaad Qalbigeyga ka sameysatay mudul salkiisu adag yahay, hadana ay ka buuxaan xiiso, farxad iyo ififaalada hami nolol cusub.

Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay.

Waxaan kuu caashaqay xad ka balaaran inta aadan ogaan karin xaqiiqduna aan qiyaastaas u gaaray waxey tahay burhaantaada ayaa maalinkasta siisa iftiin gaara ah oo qalbigeyga ka dhex shidan.

Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay.
Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga.


Maalin ayaa i dhaaftay anigoo aanan dheehaneyn dhoolaceyntaadii quruxda badneynd ee waaberi kasto aan ku indha doogsan jiray. Waa dareen xanuun badan Macaan inaad ku fekerto in qofkii aad aadka u jecleyd aad ka tagto adigoo farxad ka heli kara.

Ma ogtahay nafteydaay maalinta aan kulanay in ay ii tahay bishaaro aan ebedkey iloobi doonin, waa maalintii indhaheyga iyo wadnaheyga ku qanceen dhoolacadeyntaada iyo kaftan macaanidaada. Waa maalintii ay gacanteyda ka baxday xakameynta nafteyda.







Post a Comment

Previous Post Next Post