HALKAN KA AQRISO GEERAAR JECL OO AAD U MACAN BADAN
Maad doonaysaa inaad hesho geeraar jacayl. Gaar ahaan kuwo amaan dumar ah oo macaan soona jiidanayo Gabdha aad jeceshahay?
Waa habka ugu fudud eed ku soo-jiidan karto dareenka ruuxa aad jeceshay. Hadaba Qofkaaga Qaaska Ah u dir geeraar jaceyl. Gaar ahaan kuwa aan kula-wadaagi doono.
Waxaa kale ood ka-helaysaa goobtan. Fariimo jaceyl Ah oo soo jiidasho leh. erayo jaceyl ah oo macaan Badan oo Amaan Ah qalbiga gacalisadaada taabanaya,Ama Gacaliyaha
Markuu jacaylku nagu-Dhaco, waxaan raadinaa geeraar jacayl. Oon ku hanan karno qalbiga lamaanaheena, siiba kuwa 2025. fadalan u dir lamaanahaaga geeraaradan. Anaga ayaa kula-wadaagayna geeraar jacayl oo amaan dumar ah.
sidoo kale akhri.
Sidee loo-isticmaalaa geeraar jacayl ah oo gaaban ?
Markaad jeceshahay qof, waa muhiim inaad geeraar jacayl oo amaan ah u dirto. Gaar ahaan kuwo soo jiidanaya qalbiga qofka.
1. Geeraar jacayl oo macaan
- Waxaa tahay midaan doortay.
- Dumar aan ka caashaqay.
- Dookhaygu raacay.
- Dahabiyo luul.
- Waxaa tahay midii ka-darnayd.
- Dhab ahaantii ma-jiro.
- Midaan kugu doorsan karo.
- Waxaa tahay qayb kamid noolashayda.
- Waxaa tahay farxadayda.
- Waxwalba ayaad ii tahay.
- Waana ku jeclahay.
- wana ku jeclaan donaa inta nolasheyda ka dhiman
2. Geeraar jacayl oo qalbiga taabanaya
- Bisayliyo xiiso raagay.
- Qofki baday sawma-baahna.
- Bukaan galgacayl bastiiya.
- Cidii baday saw uma baahna.
- Akhyaar kala-baadiyawday.
- Bariidada sawma-doonto.
- Bartuu kalgacayl fadhiistay.
- haduuboholyow ku-raago.
- Jaceylkaaga hantiya.
- Horjoogaagaa farxada.
- Anigu waan kaa helaa.
- Hubaal waan kula-hayaa.
- hamiga waan kugu hayaa.
- Waan ku-hanan oo hoy ku-gayn.
3. Geeraaro jacayl oo Amaan dumar ah
- Geenyadaan doortaay.
- Gibilkeeda markaan arko.
- Oo gacanteeda qabsado.
- Galgaceylka aan dareemayo.
- Gees-walba dunida.
- Iney gilgishaan waxyar.
- Ayaa ka-dhiman.
- Galgaceylka ma-gaboobo.
- Ma-gambado guntiga hoose.
- Ayuu gabaad ka-dhigtaa wadnaha.
4. Geeraar jacayl oo soo jiidasho leh
- naftu way kuu xiistaa.
- Wayna ku jeceshahay.
- Hana ka-dheeraan waligaa.
- Waxaa tahay aragaygi.
- Mustaqbalkaygi ayaa tahay.
- Waxaa tahay iftiinki noolashayda.
- Ma-jiro waxaan adiga kugu doorsanayo.
- Mana-jiro cidaan adiga kula-meel dhigayo.
5. Amaan dumar oo jaceyl ah
- Xajiin li’I qof wax xeersha.
- Xogaal safaqi xaseeya.
- Xilqaada xasuusa dhawra.
- Xaq-sheegta xifaaltan diida.
- Xis-deeqda dareenka xooja.
- Xul baad tahay, nool xagayga.
- Xayn-daab dhaqanki ma xoorta.
- Hadana xoroo xumayra.
- Damiir xidhoo, ruux xambara.
- Xamdiyoo dambigeed rabigeed la-xaala.
- Xumaan iyo godob xabaal.
- Xan-dhiidhiya, xeer ma-jiidha.
- Xishood dhaba, xagu hagoogta.
- Xigaal I xigaay xayaati.
- Xilaa tahay, xaas la-yeesho.
- Xaqlaha wadnahaay, xanaano.
- Xalaan godlay xiisihiiye.
- ohoo dhan xabiibi, xoorkan.
- Qof xooliyo xaalad gaara.
- Ku xidhin, iney xiiso qaado.
- Xadaariyad weedha xoogin.
- Xaajalay xubin dooda siisa.
- Xisaabtama aan xaraamin.
- Xod-xodis iyo hadal xashiisha.
- Xumbiyo xigog kuma xaraafa.
- Kolkaan xumadiyo xanuunsto.
- Xarbiga ruux ila xumaado.
- qof ii xaliloo xumoodin.
- Laab xunsholey aan xanaaqin.
- Dulqaad xaasladaay xabiibi.
- Xikmadan hoo igu xasuuso.
6. Geeraar jaceyl oo calaacal ah.
- Ma-dhacdaa qof kaa tagay.
- Dharaar aad u baahnayd.
- Inuu erey kusoo dhaho.
- qalbigaaga dhaawaca.
- Dhayalsigu jawaab maleh.
- Dhibta ruuxna lama dhalan.
- Hadii laysku dhiman jiray.
- Hada waa lakala dhacay.
- Kala dhuumashaa timid.
- cid is dheehataan jirin.
- Mar haduu dhantaal yimid.
- Ana aan dhur-suge ahay.
- Maxaa keenay dhiilada.
- arooskiinan dhacay.
- Dhaguhu u daranyee.
- Ila-dhaafa qaylada.
- Hambalyada dhambaalkani.
- Ma dhabaa ilwaadeey.
- Mise waaba dhalanteed.
- Ninka dhawrsan guursaday.
- Nasiibuu igu dhaafee.
- Wali ruuxdo may dhiman.
- Dhoola ka-qosolkaagoo.
- Caawa farxad loo dhigay.
- Inaan dheehdo waan rabay.
- Balse dhawac baan ahay
- Ninkan aad ku dhagan tahay.
- qalbigaa ka dhiidhiyay.
- Dheeraa xasuusuhu.
- Murugadu dhamaad maleh.
- Dhinacyadu I maqnaa.
- Qof i-dhawrayaan jirin.
- Aan dhintee I daawada.
- Ama dhaafa aamina.
- Dhaxaan sugayee.
7. Geeraar jaceyl oo macaan badan.
- Dawadaydiyeey hoo. Dhaayahaygiyey maqal.
- Dhabtii ruux ku doortoo. Dhamigeed aduunyada.
- Dhaayihiisa kaa jecel Dhigaa adigaa aadmiga.
- Kaala soo baxaan ehee. Sida dhayda caanaha.
- Ama dhibic aroor timid. Aadmigu u dhowrtaan.
- Ayaad iila dhigan tahee. Dhabta hooyo ku saartaa.
- Kugu dhashay dhalaalkee. Dhibta ruux aad u diida.
- Kuu jecel dhalaankee. Ku dhawrtay sidaydi.
- Dhaxal weeyo caashaqu. Dhamayso guri ma’aadnaa.
- Dhidibada ma u-adkaynaa. Dhaxal yeesha jaceyliyo.
- Dhabta ma isa-saarnaa. Dhamideeda aduunyada.
- Dhaayo ma u noqonaa. Dhibta hadalka keeniyo.
- Inta dhurata waanada. Dhaxal maysku-siinaa.
- Dhab-baan kuu jeclahay. Dhamays guri ma-aadnaa.
8. geeraar jacayl oo amaan dumar ah
- Qiyaas in kugu haboo.
- Qureysh baa tahay ogow.
- Dumar qiimahoodana.
- wanaag iyo quruxba.
- Cidna kulama qaybsatoo.
- Adaa qaatay kaligaa.
- Qurux lagu daray hannaan.
- Heybad lagu helo amaan.
- Aqoon lagu saday hufnaan.
- Naxariis hiiliyo mudnaan.
- Hogaaminiyo gacan furnaan.
- fatxa hablaha dhamaan.
- Aduunyada u ah hogaan.
- Adaa kaligaa ideeqay.
- Kalsooni adaa isiiyay.
- Adaan kaa helay jecaylka.
- Kol-hore adaa i-yeeshay.
- Adaa ka farxiyay kashayda.
- adaa noolashayda kaaba.
- Dareenkaana kula shaqeeya.
- Niyaduna kaligaa ku jeclaatay.
- Hadii kumanaan hortayda.
- Kartiyo mid lacag sheegtaba.
- Aqoon heer ugu sareysa.
- La-keeno hortayda.
- adigaa ka fiican.
- Adaan galgacayl kuu qaday.
- Adaan kuligood gayaanka.
- Adaan kugu qoray bogayga.
- Majiro kaalintaada.
- Ama kolnimadaada buuxin kara.
- Hiboy waxaan waayo badan. hami dheer kaan lahaa.
- Hiyiga socod aan u kacay. Kabaha heesada u xidhay.
- Hubki aan u qaatay sahay. Hamuun gaajo iyo haradiyo.
- Omos iyo kulayl iyo. Habeen dumay iyo dharaar.
- Waxaan guuraha hayaaba. Marna kama hadhin halki.
- Hiyiga guul aan ku xiray. Waxaan sii hiitiyaba.
- Talaabada aan habdhigo. Waxaan hirar muuqdiyo.
- Hilaac baxay aan arkaba. hiyiga guul aan ku xidhay.
- Waxaan haasaawe dumar. Habkii dhalin yaro lahayd.
- Hablaha soomaliyeed dhamaan. Aan soo hormaray.
- Hadaan helay qoyska kaaba. Hooyada lgu soo hirtiyo.
- Haldhaa dumar ah weeyoo. Quruxda waa loo hubaa.
- Hanaan socodkiyo wanaaga. Hidaha soomaali weeyo.
- Nasiibna anaa hantiyay. Hirarki ii muuqdayiyo.
- Hilaacaan beegsanaayay. Hurdada riyo iigu timid.
- Hadaan guushi jantiyay. Halyaynimo waan is-hubaa.